WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Dowladda oo Digniin halis ah kasoo saartay weeraro ka dhaca Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta soo saartay Digniin cusub oo ku socota shacabka kunool magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, taasi oo la xiriirta weeraro ka dhaca magaalada oo ay dowladda sheegtay inay qorsheysanayaan Al-shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in shacabka looga baahan yahay inay muujiyaan feejignaan guud, inta ay dalka ka socdaan howlgalada ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-shabaab.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa milkiileyaasha hoteelada, maqaayadaha iyo goobaha kale ee ganacsi, kuna yaalla magaalada fartay inay iyaguna muujiyaan taxadar dheeraad ah, sidoo kalane dowladda ayaa shacabka uga digtay inay tagaan meelaha khatarta uga imaan karto.

DEG DEG: Dowladda oo Digniin halis ah kasoo saartay weeraro ka dhaca Muqdisho
To Top