WARARKA SOOMAALI

Ilhaan Cumar oo mar kale ku guuleysatay Doorashada Congress-ka Mareykanka

Ilhaan Cumar ayaa markii saddexaad ku guleysatay doorashada kuriga degmada ee shanaad ee gobolka Minnesota ee Congress-ka Mareykanka.

Xildhibaanad Ihaan ayaa ka adkaatay Cicely Davis oo aheyd haweenay ka soo jeeda dadka madowga ah isla markaanna ka tirsan xisbiga Jamhuuriga

Ilhaan oo sanadkii 2018 noqoto qofkii ugu horreeyay ee Somali-American ah oo loo doorto Congress-ka Mareykanka ayaa difaacatay kursigeeda.

Hadal kooban oo ay u jeedisay taageereyaasheda kadib guushii ay gaartay ayay ku sheegtay in guusheedu ay mid Soomaalida u soo hoyatay, isla markaana ay ku faraxsan tahay in dib loo soo doortay

Ilhaan Cumar oo mar kale ku guuleysatay Doorashada Congress-ka Mareykanka
To Top