WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Xamse oo u baxay safar dalka dibaddiisa & ujeedkiisa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi hoggaaminayo ayaa goor dhow ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyaga oo kusii jeeda dalka Jabuuti.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, sida lagu shaaciyay Qoraal kasoo baxay Xafiiska Xamse Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo Jabuuti ayaa waxa uu kulamo ku saabsan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan uu la yeelan doonaa madaxda Jabuuti, oo ugu horreeyo Madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle iyo xubno kale.

Dalka ayaa waxaa xilligaan ka maqan Madaxweynaha dowladda Federaalka, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda iyo wufuud farabadan oo ay hoggaamiyaan, kuwaasi oo haatan ku sugan magaalada sharma Sheekh ee dalka Masar.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo u baxay safar dalka dibaddiisa & ujeedkiisa
To Top