WARARKA SOOMAALI

Guddoomiye Madaale oo qeylo-dhaan kasoo saaray AS soo galay Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa soo saaray qeylo-dhaan ka dhan ah qoysaska iy Carruurta Al-shabaab, kuwaasi oo kasoo cararay dagaalada ka socda Gobolada dalka.

Guddoomiye Yuusuf Madaale o ka hadlaayay munaasabad ka dhacday ayaa waxaa uu sheegay in qoysaska, xasaaska hoggaamiyeyaasha Al-shabaab iyo carruurtood ay soo galeen magaalada Muqdisho, isla markaana loo baahan yahay feejignaan dheeraad ah.

Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay dhibaatooyin dhowr ah ka geysten Magaalada Muqdisho, ayna markii lagu soo jebiyay dagaallada ka socda Gobolada ay carruurtooda iyo Xaasaskooda ay soo geliyeen caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray Guddoomiyaha in Al-Shabaab ay yihiin kuwo markasta dhibaato maleegaya, wuxuuna Shacabka muqdisho uu ugu baaqay inay ka feejignaadaan weeraro ayka geysan karaan Magaalada Muqdisho.

Hadalka Guddoomiyaha ayaa kusoo aaday, iyada oo saddex habeen kahor uu dhacay qarax kale oo lala beegsaday Xerada Jeneraal Dhegobadan, halkaasi oo lagu dilay shan dhallinyaro oo loo qorayey ciidan ahaan.

Guddoomiye Madaale oo qeylo-dhaan kasoo saaray AS soo galay Muqdisho
To Top