WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Lafta-gareen oo gaaray Degmo ay Go’doomiyeen Al-shabaab & ujeedkiisa

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhoweyey degmada Ceelberde ee Gobolka Bakool.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ku qotoma ukuura-gelida Xaalada Degmada Dhinacyada Amniga, saamaynta Abaarta iyo Dhiiragelinta Ciidanka iyo dadka deeganka oo udiyaar garooway bilaabida Howlgalo ka dhan ah Al-shabaab.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa waxaa uu haatan kulamo degmada Ceelberde kula leeyahay Maamulka degmadaas, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Saraakiisha Ciidamada Maamulka iyo kuwa dowladda.

Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka u go’doonsan Al-Shabaab, waxaana Maamulka Koonfur Galbeed uu dhowr jeer shaaciyay inay go’doonka ka qaadyaan balse aysan ku guuleysan.

Madaxweyne Lafta-gareen oo gaaray Degmo ay Go’doomiyeen Al-shabaab & ujeedkiisa
To Top