WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Al-shabaab oo Qaraxyo ku weeraray Saldhig Ciidan

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegay in milatariga Soomaaliya iyo Dadka degaanka ay Al-Shabaab ku jabiyeen dagaal ka dhacay magaalada Qaayib ee degmada Baxdo,

Dagaalka ayuu Afhayeenka xusay inuu yimid ka dib markii ay Al-Shabaab saaka weeraro ismiidamin ah ku qaadday saldhig miltariga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Qaayib oo ka tirsan gobolka Galgaduud, sida ay baahisay Wakaaladda wararka ee SONNA.

General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sidoo kale warbaahinta Qaranka u sheegay inay khasaaro gaarsiyeen kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa saaka salaaddii subax kadib ka billowday deegaanka Qaayib oo qiyaastii dhowr iyo soddon kiiloomitar u jira magaalada Baxdo, waxaa la sheegay in labo gaari oo lagu soo raray walxaha qarxa lagu weeraray saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada deegaanka.

Wararkii ugu danbeeyay Al-shabaab oo Qaraxyo ku weeraray Saldhig Ciidan
To Top