WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: RW hore ee dalka Pakistan oo Toogasho Gaadmo ah lagu dhaawacay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa dhaawac ka soo gaaray lugta markii kolonyadii uu la socday lagu rasaaseeyay bariga dalkaasi.

Xiddigii hore ee Cricket-ka Khan, oo 70 jir ah, ayaa hogaaminayay dibad-bax ka dhacay caasimadda Islamabad oo uu ku dalbanayay doorasho degdeg ah.

Ra’iisul wasaaraha hadda jira Shehbaz Sharif ayaa cambaareeyay toogashada, wuxuuna ku amray wasiirka arrimaha gudaha inuu sameeyo baaritaan degdeg ah.

Sida laga soo xigtay booliska, weerarka ayaa ka dhacay degmada Wazirabad ee bariga gobolka Punjab halkaas oo Khan uu ku safrayay kolonyo baabuur ah oo badan iyo baabuur ku sii jeeday caasimadda.

DEG DEG: RW hore ee dalka Pakistan oo Toogasho Gaadmo ah lagu dhaawacay
To Top