Waxaa Maanta oo sabti ah lagu wadaa in magaalada caasimadda ah ee Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyo Shirka Golaha Watadashiga Qaran ee maalinta khamiista aheyd ka furmay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Shirka ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday dardargelinta dagaalka dalka looga xoreynayo Al-shabaab, dhammaystirka heshiiska qaab-dhismeedka Amniga Qaranka, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed iyo dib u heshiisiinta.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladaha amni iyo abaaraha ka jira deegaannada dowlad-goboleedyada, isagoo ku adkeeyay muhiimadda in la mideeyo dadaallada dalka lagu xoreynayo Al-shabaab.
Gelinka dambe ee Maanta ayaa la filayaa in lasoo gaba-gabeeyo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, waxaana laga soo saari doonaa War-murtiyeed ka kooban dhowr qodob oo Madaxda ay iska meel dhigeen.
Shirkaan waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Ra’iisulwasaare xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Saciid Cabdullahi Deni, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale.