Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 75 ee 26-ka Oktoober 2022 kuna saabsan Magacaabida Maxkamadda Sare ee Puntland.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Deni ayaa lagu magacaabay Garsoorka Maxkamadda dowlad Goboleedka Puntland, kuwaasi oo muddo xileedkoodu yahay 7-sanno.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay Xildhibaanada Maamulka kahor sheegay inuu si dhaqsi ah ugu soo magacayo Garsoorka Maxkamadda dowlad Goboleedka Puntland.
Hoos ka Akhriso magacaabista wareegtada
Markuu arkey: Qodobka 80-aad farqadda 18-aad, ee Dastuurka Puntland, kuna saabsan Awoodaha iyo Masuuliyadda Madaxweynaha, ee magacaabida Garsoorayaasha Madaxkamadda Sare.
Markuu arkey: Qodobka 90-aad farqadaha 1 iyo 2 ee Dastuurka Puntland,
kuna saabsan xubnaha Maxkamadda Sare.
Markuu arkey: Qodobka 91-aad ee Dastuurka Puntland, kuna saabsan shuruudaha lagu noqon karo Garsoore Maxkamadda Sare.
Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland
Waxuu xeeriyey
Qodobka 1-aad
Waxaa Mudanayaasha hoos ku xussan loo magacaabey Garsoorayal Maxkamadda Sare ee Puntland, mudda xileed 5 sana ah, sida uu qeexayo qod. 90-aad farqadda 3, ee Dastuurka Puntland.
1- Xassan Yuusuf Nuur Guddoomiye
2- Axmed Sheikh Cumar Xassan Guddoomiye Ku-xigeen.
3- Saciid Axmed Faarax Garsoore.
4- Maxamuud Cawad Cumar Garsoore.
5- Saciid Maxamuud Maxamed Garsoore.
6- Maxamed Cabdirisaaq Aw Cilmi Garsoore Kayd ah .
7- Aadan Axmed Moxamed Garsoore Kayd ah