WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Dowladda oo Maanta fashiliyey Qaraxyo la geliyey deegaan

Wararka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in ciidamada xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa dadka deegaanka ayaa maanta Fashiliyay, isla markaasna Qarxiyay Miino nuuca dhulka lagu aaso oo Al-shabab, ku dheliyeen deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud.

Howlgallo miino baaris ah ayaa ka socda gudaha deegaankaasi sida ay sheegeen Saraakiisha hogaamineysa Ciidamada, si looga hortego qaraxyo ka dhaca deegaanka oo gelinkii hore ee shalay laga qabsaay dagaalamayaasha Al-shabaab.

Howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ayay si buuxda gacanta ugu dhigeen deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo gabi ahaanba laga xoreeyay kooxaha ee Shabaab.

Qaayiib ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug  waa deegaan ay muddo dhib ku hayeen kooxaha Al-shabaab,  halkaas oo u aheyd Maxkamad beeneed ay ku dhici jireen hantida dadka shacabka ah.

Ciidanka Dowladda oo Maanta fashiliyey Qaraxyo la geliyey deegaan
To Top