WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Amar ku socda shacabka iyo Madaxda soo saaray

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, oo maanta ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay dadkii ku dhintya dagaalka dib-u-xoreynta, gaar ahaan nabadoon Cilmi Hagar Guure iyo nabadoon Hibaad Cali Dasar, ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in si wadajir ah looga qeyb qaato dagaalka  dib-u-xoreynta.

Munaasabadda xuska oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka sheegay muhiimadda uu xuskani u leeyahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

“Nabadoon Cilmi Hagar Guure iyo Hibaad Cali Dasar oo shihiiday iyaga oo kor yeelaaya sharafta ummada iyo qiimaha diinteenna suuban. Shihiid walba oo inooga shihiida dagaalka aynu kula jirno AS, Xaq-udirir walba oo ku dhaawacma, ku xoola waaya iyo ruux walba oo u dhibtooda muddada kooban ee aynu dagaalka kula jiri doono kooxda khawaarijta ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku celiyay in qorshaha 1aad ee xukuumadda Dan-qaran uu yahay sugidda amniga iyo xoreynta dalka, qorshahaas oo hadii lagu guuleysto horseedaya in dhamaan qorshayaasha kale ee horumarineed la fuliyo.

Ra’iisul Wasaaraha oo munaasabadda ka sheegay in dalka uu ku jiro dagaal dhab, dadka Soomaaliyeed-na laga doonayo in yeeshaan dhaqan dad uu dalkoodu dagaal dhab ah ku jiro, dul qaataan oo ka fogaadaan waxyaabaha ay dowladdu mamnuucdo, una hoggaansanaadaan amarrada dowladda ee qeybta ka qaadanaya in guul laga gaaro dagaalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Amar ku socda shacabka iyo Madaxda soo saaray
To Top