WARARKA SOOMAALI

Guudlaawe oo shaaciyey xilliga la qabsanayo Saldhiga ugu weyn AS ee Sh/Dhexe

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa faah faahin ka bixiyey howlgalo Al-shabaab loogala wareegay deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan kuwo hoostega degmada Balcad.

Madaxweyne Guudlaawe oo wareysi siiyay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in Ciidanka Xoogga dalka ay Al-shabaab ka qabsadeen dhowr deegaan oo ay ku sugnaayeen, isla markaana dhawaan la isku furi doono furimaha dagaalka.

Madaxweyne Guudlaawe oo ku sugan deegaanka Raaga-Ceele ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay sidii ay u qabsan lahaayeen degmada Aadan Yabaal oo ah saldhigga ylugu weyn Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamadda dowladda iyo kuwa deegaanka ayuu tilmaamay iney haatan joogaan deegaanka Biyo Cadde, ayna uga sii gudbayaan Miirtaqwo, kadibna ay uga sii talaabi doonaan Ceelbaraf iyo Ceeldheere, halkaaso ay ka galayaan Aadan Yabaal oo ah meesha Shabaab ay ka soo abaabulaan duulaanada ay ka geystaan gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhexe.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xaqiijiyey in Al-shabaab dagaalkii ugu danbeeyay looga dilay 7 xubnood, isla markaana ay jiraan xubno kale oo gacanta lagu dhigay, wuxuuna intaas kusii daray in dhankooda ay ka dhinteen 3 Askari oo ka tirsanaa Ciidanka.

Guudlaawe oo shaaciyey xilliga la qabsanayo Saldhiga ugu weyn AS ee Sh/Dhexe
To Top