WARARKA SOOMAALI

Shirka Wasiirada A/Dibadda ee dalalka Carabta oo furmay & Qodobada la hadlay

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta ayaa Shirka ku yeeshay Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar, Shirka ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan, waxaana kasoo qeyb galay Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta.

Shirka Wasiirada ayaa waxaa diirada lagu saaray xiisadaha ka taagan qaar ka mid ah dalalka Carabka, siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo sidii ay iskaashi uga yeelan lahaayeen arrimaha looga dooday Shirka oo ahaa midkii 158-aad ee Wasiirada.

Sidoo kale inta uu socday shirka ayaa waxaa si aad ah looga hadlay xaaladda Soomaaliya xilligan ka taagan, gaar ahaan sidii dawladda  Federaalka Soomaaliya garab looga siin lahaa wax ka qabashada xaaladaha ammaanka iyo Abaaraha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huurshe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya uga qeyb galay Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta, kaasi oo ka qabsoomay Magaalada Qaahira.

Shirka Wasiirada A/Dibadda ee dalalka Carabta oo furmay & Qodobada la hadlay
To Top