WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Muqdisho

Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa fiidnimadii xalay ka dhacay qeybo kamid ah degmada Hiliwaa ee Gobolkaan Banaadir, waxaana dagaalkaas ka dhacay Magaalada Muqdisho kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta Harufadhi Media ayaa u sheegay in dagaalkaas uu  markii hore ka bilowday weerar Al-shabaab ku qaaday Saldhiga Ciidanka dowladda ku leeyihiin halka lagu magacaabo Cali Agoon, lana maqlayey dhawaqa rasaas xoogan.

Inta la xaqiijiyey dagaalka ayaa waxaa ku dhimatay Haweeneey Caano iibineysay oo markii hore uu soo gaaray dhaawac culus halka ay ku dhaawacmeen Haweeney kale oo Caano iibineysay & Cunug yar, kuwaasi oo la geeyay Xarumo Caafimaad.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo laamaha ammaanka dowladda Federaalka ayaan weli ka hadlin dagaalkaasi khasaaraha dhaliyey ee xalay ka dhacay degmada Hiliwaa ee Gobolka, falalka amni darro ayaana muddooyinkii dambe kusoo batay Muqdisho.

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Muqdisho
To Top