WARARKA SOOMAALI

Jubbaland oo War kasoo saartay Qaraxyo la sheegay in la geliyey Kismaayo

Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay warar maalmo kahor la faafiyey oo lagu sheegayay in khal-khal amni uu ka jiro Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, lana geliyey Magaaladaasi qaraxyo la doonayo in lagu dhibaateeyo shacabka.

Wasiirka Amniga Jubbaland, Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal ayaa waxaa uu sheegay in waxba kama jiraan ay yihiin wararkaasi, isla markaana khal-khal amni uusan ka jirin xilligaan gudaha Kismaayo, ayna warkaas faafiyeen dad lid ku ah ammaanka Magaalada.

Wasiir Yuusuf Dhuumaal oo la hadlay warbaahinta ayaa soo saaray amaro lagu mamnuucay in hub lagu dhex wato gudaha Magaalada Kismaayo, wuxuuna sheegay in laamaha amniga sida  Booliska iyo Nabadsugida oo kaliya ay hub dhex wadan karaan.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka amniga ayuu tilmaamay in Ciidamada Maamulka ee aan qaabilsaneynin amniga ay dib ugu laabtaan xeryahooda, isla markaana ciddii lagu arko iyada oo hub sharci darro ah ku dhex wadata Magaalada laga qaadi doono tallaabo adeg

Ugu dambeyn Wasiirka Amniga Jubbaland, Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal ayaa Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida ku amray inay soo qabtaan cid kasta oo Magaalada Kismaayo hub ku dhex wadato, oo aan ahayn mid sharci ah ama mid goobtiisa la joogga.

Jubbaland oo War kasoo saartay Qaraxyo la sheegay in la geliyey Kismaayo
To Top