WARARKA SOOMAALI

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo wafdi la socda oo safar dibadda ah u baxay & ujeedka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Maanta ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe wafdiga la socda oo ay qeyb ka yihiin Xildhibaano ka titsan Baarlamaanka Federaalka ayaa kusii jeeda Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Magaalada Johannesburg uga qeyb galaya shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannadda Afrika ee (Pan-African Parliament), kaasi oo lagu wado inuu maalinta berri furmo.

Guddoomiyaha ayaa inta uu ku sugan yahay magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika uu shirka ku soo bandhigi doona horumarinta Golaha Shacabka BJFS iyo sidii wada shaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen Baarlamaanka Afrika iyo kan Soomaaliya.

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo wafdi la socda oo safar dibadda ah u baxay & ujeedka
To Top