WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Garoowe iyo ujeedka safarkiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran waxaa ugu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Karaash, Wasiirro iyo Xildhibaanno Heer Dowlad-goboleed ah iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee Puntland ayaa ku qotoma u kuur-galidda xaaladda abaaraha deegaannada Puntland, dardargelinta dib-u-heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta heer federaal iyo heer dowlad-goboleed iyo dhageysiga talooyinka la xiriira dowladnimada ee ay qabaan bulshada Puntland, taas oo aas-aas u ah hiigsiga Madaxweynaha ee Soomaali Heshiis ah.

Madaxweyne Xasan ayaa kulammo la qaadanaya Madaxda Dowlad-goboleedka Puntland, waxgaradka, isimada, ganacsatada, dhallinyarada, haweenka iyo culimada, si uu u dul istaago xaaladda bulshada Puntland, baahiyaha ay qabaan, doorkooda horumarineed ee dalka iyo hirgelinta dowladnimada.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Garoowe iyo ujeedka safarkiisa
To Top