WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Doorashada Madaxtinimo ee Maanta ka dhaceysa Kenya

In ka badan 22 milyan oo shacabka Kenya ah ayaa maanta dooranayaa Madaxweyne cusub, wakiillada Baarlamaanka iyo Golaha deegaanka.

Doorashadan oo la filayo inay si weyn ugu tartamaan Madaxweyne ku xigeenka dalka, William Ruto iyo Ra’iisal Wasaarihii hore Raila Odinga ayaa ku soo beegmaysa xilli shacabka dalkan ay dareemayaan culayska sicir barar si weyn u kordhay bilihii dambe.

Waxay shacabka maanta dooranayaan:

Hal Madaxweyne.

47-Sanatar.

47-Guddoomiye gobol.

337- Xildhibaanno ah.

1,450- Xildhibaanada Goleyaasha deegaanka.

Ammaanka Magaalooyinka dalka Kenya ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay, waxaana Magaalooyinka qaarkood lagu arkayaa Ciidamo badan oo isugu jira Boolis iyo Milateri ah oo ku sugan, kuwaasi oo aammaanka siweyn u sugaya, maadaama doorasho socoto.

Wararkii ugu danbeeyay Doorashada Madaxtinimo ee Maanta ka dhaceysa Kenya
To Top