WARARKA SOOMAALI

Maamulka Hirshabeelle oo kulan Deg-deg ka yeeshay Qaraxyadii Jowhar

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa shir guddoomiyey kulanka Amniga oo ay ka qeyb galeen Saraakiisha ciidamada booliiska Hirshabelle Ciidamada Nabad sugida iyo kuwa xooga Dalka Soomaaliyed

Kulanka oo lagu qabtay Magaalada Jowhar ayaa looga hadlay xaaladda amni ee Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan Magaalada Jowhar oo maalmihii la soo dhaafay ay qaraxyo ka dhacayeen.

Dhammaan saraakiisha ka qeyb gashay kulanka ayaa waxaa ay Warbixino guud ka siiyeen guddoomiyaha howlgallada Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa howlgalka ATMIS ay ka sameeynayeen degaannada Hir-Shabeelle

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka ayaa laamaha amniga faray in la kordhiyo howgallada looga hortagayo falalka amni darada iyo Qaraxyada ay maleegeen Al-Shabaab ee ka dhacaya Magaalada Jowhar, kuwaas oo ay ku waxyeeloobeen madax iyo Shacab.

Dhawaan ayaa waxaa Magaalada Jowhar ka kala dhacay qaraxyo mid kamid ah uu ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaas oo lagu weeraray Hotel ay deganaayeen wasiiro & Xildhibaano katirsan Maamulka Hir-Shabeelle.

Maamulka Hirshabeelle oo kulan Deg-deg ka yeeshay Qaraxyadii Jowhar
To Top