WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Dil naxdin leh oo ka dhacay Magaalada Burco

Faah faahino ayaa laga helayaa Wiil dhallinyaro oo fiidkii xalay lagu dilay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ee Somaliland, kaasi oo tooreey ama Middi uu ku dilay wiil kale oo isna la sheegay inuu kamid ahaa dhallinyarada Magaaladaasi.

Dad ayaa soo weriyey in sababta keentay dilka wiilka dhallinyarada ahaa ay aheyd, kadib markii Marxuumka iyo wiilka falka geystay uu soo kala dhex-galay khilaaf keenay gacal ka hadal, taasina ay dhalisay in mid kamida dhallinyarada la geliyo tooreey.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdisamad Axmed Maxamed Cajab oo kamid ahaa dhallinyarada Magaalada Burco, waxaana dilkiisa loo adeegsaday tooreey, xilli uu ku sugnaa Dooxada ama goob biyaha galaan oo ku taalla Magaalada.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa howlgal ay sameeyeen saacado kadib waxaa suurto gashay inay gacanta ku dhigaan Wiilkii Dhalinyarada ahaa ee Wiilka kale tooreyda ku dilay, Waalidiinta ka dhalay Marxuumka dhintay ayaa cadaalad dalbaday.

Wararkii ugu danbeeyay Dil naxdin leh oo ka dhacay Magaalada Burco
To Top