WARARKA SOOMAALI

S/Land oo Ajaanibta ku sugan deegaanadeed kusoo rogtay Amar bixitaan oo Deg-deg ah

Maamulka Somaliland ayaa ku amray in muddo 20 maalmood ah ay degaannadeeda isaga baxaan dadka Ajaanibta ah ee aan heysan sharciga, kuwaas oo ka shaqeysta degaannadooda.

Qoraal kasoo baxay Laanta Socdaalka Somaliland ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 28 /07/2022 ilaa 17/08/2022 dadka Ajaanibta ah ee sharci darrad ku jooga Somaliland ay isaga baxaan,

Sidoo kalena shirkadaha, Hay’adaha iyo Ganacsata ay ka hawlgalaan shaqaale ajaanib ah, in ay ka shaqeeyaan oo qura ajaanib ka haysta dalkujoog sax ah (Visa ama Qaxoonti).

Hoos Ka Akhriso qoraal kasoo baxay Laanta Socdaalka Somaliland

S/Land oo Ajaanibta ku sugan deegaanadeed kusoo rogtay Amar bixitaan oo Deg-deg ah
To Top