WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Xamse oo wada latashiyo la xiriira soo magacaabista Golihiisa Wasiirada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre , ayaa ku guda jira kulamo iyo wadatashiyo muhiim ah oo uu la yeelanayo qaybaha kala duwan ee ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed.

Raiisul Wasaaraha ayaa qeybaha uu maanta qaabillay waxaa ka mid culamaa’udiinka Soomaaliyeed, oo uu ka dhageystay tallooyinkooda wax ku oolka ah ee ku wajahan xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay, si uu u soo dhiso xukuumad tayo leh, isuna dheelli tiran, ay lagama maarmaan noqotay in waqti ku filan uu geliyo la tashiyada uu la sameynayo qeybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta.

Xamse Barre ayaa Maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka codsaday inay 10 maalmood oo dheeraad ah ugu kordhiyaan waqtiga soo magacaabista Golihiisa Wasiirada cusub.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo wada latashiyo la xiriira soo magacaabista Golihiisa Wasiirada
To Top