WARARKA SOOMAALI

Koonfur Galbeed oo ka hadashay Dagaaladii ka dhacay Yeed & khasaaraha jira

Guddoomiyaha deegaanka Yeed ee Gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdisalaan Duwane Cumar ayaa waxa uu faah-faahin ka bixiyey dagaaladii ka dhacay ka dhacay deegaano dhaca xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Guddoomiye Cabdisalaan Duwane ayaa waxaa uu sheegay in Al-shabaab ay weeraro culus kusoo qaadeen deegaanada Yeed, Aato, iyo Washaaqo oo ku yaalla xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya, isla markaana ay dhaceen dagaalo khasaaro badan dhaliyey.

Wuxuu intaas kusii daray Guddoomiyaha deegaanka Yeed in Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan halkaas ay ka hortegeen weeraro uga yimid dhanka Shabaab, isagoona tilmaamay in Al-shabaabka weerarka soo qaaday ay u gudbeen dhinaca Itoobiya.

Sidoo kale Guddoomiye Cabdisalaan Duwane Cumar ayaa xaqiijiyay in dagaaladii dhacay ay geysteen khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo gaaray dad shacab iyo Askar ka tirsan Ciidanka dowladda, wuxuuna xusay in madaafiic lagu gaaray goobo ay ku sugnaayeen shacab.

“Dagaalka saameyn badan ayuu geystay, Yeed gudaheeda waxaa ku dhintay labo askari oo ciidankeenna ah, dad shacab ah oo dhowr iyo toban ahna waa ay ku dhaawacmeen, dhankoodana khasaaro culus baa gaaray,” ayuu yiri Guddoomiye Duwane.

Gaba-gabadii Guddoomiyaha ayaa sheegay in weli dagaalo culus ay deegaano ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida ku dhex-marayaan Al-shabaab iyo Ciidanka Liyuu Boolis, khasaaro badan ayaa ka dhashay dagaalada, DDS iyo Shabaab ayaa guulo kala sheegtay.

Koonfur Galbeed oo ka hadashay Dagaaladii ka dhacay Yeed & khasaaraha jira
To Top