WARARKA SOOMAALI

Faah faahin: Dagaal Culus oo dhexmaray Al-shabaab iyo Ciidanka Liyuu Boolis

Dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka dowlad deegaanka Soomaalida ee Liyuu Boolis iyo Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Bakool gaar ahaan deegaano ku yaalla xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dagaalkaan oo qaatay saacado dhowr ah ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weeraro culus ku qaadeen deegaanada Aato iyo Yeed ee Gobolka Bakool, halkaasoo ay ku sugnaayeen Liyuu Boolis.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii cuslaa ee dhacay, isla markaana waxaa inta uu socday dagaalkaas ay dhinacyada isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay ku warrameen qaar kamid ah dadka deegaanka Yeed.

Si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, hayeeshee Guddoomiyaha  Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed oo si kooban uga hadlay dagaalka ayaa sheegay inuu jiro khasaaro kala duwan, in kastoo aysan shaacin tirrada khasaaraha.

Dhinaca kale Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay guulo uga sheegteen dagaalada, iyagoona tilmaamay inay gacanta ku dhigeen Aato iyo Yeed oo ay ku qaadeen  weeraro culus, kuna dileen Askar ka tirsan Ciidanka Liyuu Boolis,

Faah faahin: Dagaal Culus oo dhexmaray Al-shabaab iyo Ciidanka Liyuu Boolis
To Top