WARARKA SOOMAALI

Saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo lagu qabtay howlgal laga fuliyey Boosaaso

Saraakiisha amiga ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen xubno sare oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Hawlgal ka dhacay Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa lagu qabtay saraakiisha ka tirsan Al-shabaab, iyadoo laamaha amaanku sheegeen iney dhowaan maxkamad soo taagi doonaan.

Wararku waxay sheegayaan inuu baaritaan ku socdo saraakiisha la qabtay oo magacyadooda la sii hayay ka hor inta aan gacanta lagu dhigin sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta amaanka Puntland.

“Xubnaha aan qabannay Amiiro aad loo raadinayay ayaa ku jira,  kuwaasoo aan maalmaha soo socda maxkamad hor keeni doono” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Laamaha Amniga Puntland oo aan sheegin magacyada ragga la qabtay iyo xilalka ay u hayeen Al-shabaab.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa marar kala duwan sidaan oo kale howlgalo looga sameeyay Ciidanka ammaanka Maamulka Puntland ay kusoo qabteen xubno isugu jiray Saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsanaa Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo lagu qabtay howlgal laga fuliyey Boosaaso
To Top