WARARKA SOOMAALI

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Safiirka Ingiriiska ee Somalia

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nur Madoobe ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Ingriiska u qaabilsan dalka marwo Kate Foster.

Danjiraha ayaa marka hore  Guddoomiyaha la wadaagtay sida dowladda Ingiriiska ay uga go’an tahay wax ka qabashada Abaaraha  iyo  in ay si buuxda u taageeri doonto  tababarada shaqaalaha baarlamaanka.

Guddoomiyaha ayaa dhankiisa boggaadiyay dedaalada  dowladda Ingriiska ay ku taageerayso Baarlamaanka JFS, kaas oo wax badan ka tari doona shaqada Golaha Shacabka, waxaana uu ahmiyada kowaad siiyay sidii wax badan loogu qaban lahaa Abaarahan soo noqnoqday.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Safiirka Ingiriiska ee Somalia
To Top