WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Axmed Madoobe oo laba Degmo ku kordhiyey Degmooyinka Jubbaland

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xeer Madaxweyne kusoo saaray labo degmo oo cusub oo lagu soo kordhiyay Jubaland.

Xeerka ayaa lagu shaaciyay in degmooyinka kala ah Dhoobley iyo Buurdhuubo lagu daro degmooyinka Jubbaland oo ay horay usoo gudbiyeen golaha wasiirada kadibna ay ansixiyeen xildhibaanada golaha wakiilada.

Madaxweynaha ayaa faray dhammaan laamaha kala duwan ee Dowlada inay degmooyinkan cusub gaarsiiyaan adeegyada muhiimka ah taas oo ay ku jirto dhismaha golayaasha deegaanka si shacabku ay usoo doortaan dadkii matali lahaa.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo laba Degmo ku kordhiyey Degmooyinka Jubbaland
To Top