WARARKA SOOMAALI

Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka oo Amar culus kusoo rogay Wasiirada xilgaarsiinta

Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo in hey’adaha dowladda Soomaaliya ay galaan heshiisyo waa wayn, inta laga ansixinayo Xukuumad rasmi ah.

War-saxaafadeed uu soo saaray Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Maxamed Cali Afhooye ayaa lagu sheegay in Xafiiska hanti dhowrka uu ka hortegay heshiisyo ku kacayay malaayiin dollar oo saameyn dhaqaale oo taban ku yeelanayay dalka.

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka
wuxuu ka warhelay in qaar ka mid ah
Hay’adaha DFS ay billaabeen qorshaha
hannaan lagu meelmarinayo dhaqangalinta heshiisyo waa wayn (concession contracts) oo ku kacaya malaayiin doollar kuwaas dalka ku
yeelanaya saamayn dhaqaale oo taban.

Xafiiska ayaa ka hortagay isla markaasna
joojiyay heshiisyadaas isaga oo ku wargaliyay dhammaan Hay’adaha Dowladda in aysan gali karin heshiisyo inta laga helayo Xukuumad rasmi ah oo xilka la wareegta.

Ugu danbayn, Xafiiska ayaa arrinkan horay uga soo saaray warqad uu ku joojiyay gelitaanka heshiisyada waa wayn inta lagu guda jiro waqtiga.

Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka oo Amar culus kusoo rogay Wasiirada xilgaarsiinta
To Top