WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO: Diyaarad Rakaab ah oo Maanta ku burburtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Mid kamid ah Diyaaradaha Shirkadda Jubba Airways ayaa Maanta  ku burburtay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho xilli ay soo cagadhiganeysay dhabaha Garoonka.

Diyaaradda oo ka timid Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa saarnaa 33 qof oo rakaab ahaa, kuwaas ooo la sheegay in Dhammaantood laga soo badbaadiyay, mana jiro qasaare ah dhaafsiisan burburka diyaaradda.

Goobjoogayaal lahadlay Wakaaladda Wararka SONNA ayaa sheegay in ay arkayeen diyaaradda oo Mid kamid ah Baalasheeda dhulka ku dhufsatay, kadibna kabaxday Dhabaha ay kusoo dageysay.

Sawirro laga soo qaaday shilka diyaaradeed ee ka dhacay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa muujinaya burburka gaaray qeybo kamid ah diyaaradda Jubba oo dab xoog leh ka kacay, burburka qeybta dambe ayaa dhulka daadsan.

SAWIRRO: Diyaarad Rakaab ah oo Maanta ku burburtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
To Top