WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Qarax xoogan oo Muqdisho lagula eegtay Ciidanka ATMIS

Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa saakay ka dhacay agagaarka Isgoyska Cali Kamiin ee degmada Wardhiigley, waxaana qaraxana lala beegsaday kolonyo gaadiid ah ay wateen Ciidamo ka tirsan ATMIS.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in qaraxa miino oo meel fog laga hayay mar qura dhacay, xilli halkaasi marayeen gaadiidka ciidamada ATMIS, waxa uuna qaraxa khasaaro gaarsiiyay mid kamid ah gaadiidka ciidamada.

Qaraxa kadib ciidamada ATMIS ayaa rasaas furay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen howlgal kooban , iyagoona markii dambe ciidamada ATMIS goobta isaga tagay horeyna usii watay socodkooda.

Wali lama oga inta uu la eg yahay khasaaraha ka dhashay qaraxan miino ee lala eegtay ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS iyo rasaasta ay fureen, mana jiro ilaa hada laamaha amniga wax war ah ay kasoo saareen qaraxan.

Wararkii ugu danbeeyay Qarax xoogan oo Muqdisho lagula eegtay Ciidanka ATMIS
To Top