WARARKA SOOMAALI

Dilalka qorsheysan oo kusoo batay Muqdisho & Amniga oo faraha kasii baxaya

Kooxo hubeysan oo watay Bastoolado ayaa fiidnimadii xalay duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan tabeelaha Sheekh Ibraahim ku dilay Ganacsade caan ka ahaa deegaanka oo lagu magacaabi jiray Sheekh Cabdi Faniinte.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inuu Ganacsadaha u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha jirkiisa, xili uu ku sugnaa xaafad ka tirsan tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho, waxaana goobta ka baxsaday dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska iyo qaar kamid ah Ehelada Marxuumka ayaa la tilmaamay inay tageen goobta uu falku ka dhacay, isla markaana halkaas ka qaaday Meydka Sheekh Cabdi oo la geeyay Xarunta CID-da, si baaris loogu sameeyo.

Ammaanka Caasimadda dalka ee Magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid faraha kasii baxaya, iyadoo ay horey usii jireen dilalka ay geysanayaan burcada hubeysan ee dadka dhaca u geysta, Booliska ayaa sheegay inay wadaan howlgalo ka dhan ah burcada Muqdisho.

Dilalka qorsheysan oo kusoo batay Muqdisho & Amniga oo faraha kasii baxaya
To Top