WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta ku wajahan Magaalada Nairobi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kusii jeeda magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Madaxweyne Xasan ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalkaasi Uhuru Kenyatta, waxaana booqashadiisa ay qaadan doontaa labo cisho, sida ay shaacisay Villa Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadli doono arrimo ku aadan xoojinta xiriirka labada dowladood, iyaga oo la filayo inay saxiixaan heshiis ku aadan dib usoo celinta ee qaadka.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo la qaadan doono jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dhaqan dalka Kenya.

Safarkan ayaa noqonayo kiisii afaraad ee uu madaxweynuhu ugu baxayo dalka dibaddiisa, tan iyo markii dib loo doortay, wuxuuna horey u tegay Imaaraadka, Turkiga iyo Eritrea.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta ku wajahan Magaalada Nairobi
To Top