WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo soo saaray Amar ku socodka Wasaraddaha

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Maanta ka qayb galay shirka maamul Daadajinta adeega Galmudug.

Shirkaan waxaa ka qayb galay Guddomiyaha Gudiga Maamul Daadajinta Galmudug ahna Madaxweyne kuxigeenka Galmudug iyo 11 Wasaradood oo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor u xushay in ay qayb ka noqdan Maamul Daadajinta Galmudug.

Sido kale waxaa kulanka qayb ka ahaa Gudomiyaha Gobolka Mudug Duqa Caasimada Dhuusamareeb iyo Wafdi ka socday Wasaarada Arimaha Gudaha Fadaralka.

Inta u shirkaani socday Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa faray guud ahaan Wasaradaha Galmudug gaar ahaan Wasaradaha Caafimadka iyo waxbarashada in ay Maamulka daadajiyan oo Masuliyada shaqada ay hayaan wax ka siiyaan Dowladaha Hoose ee Galmudug.

“Talaaboyinka la rabo in la qaado waxaa ugu muhiimsan in Dugsiyada  Hoose Dhexe lagu wareejiyo Dowlaha hoose sido kale MCH yada iyo Clinics ka ayadan lagu wareejiyo Dowladaha hoose sido kale Shaqalaha hoose ayagana lagu wareejiyo dowladaha Hoose” ayu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.

Dhan kale Madaxweynaha ayaa faray Wasaradda Arimaha gudaha in ay Awooda saarto  Maamul Daadajinta iyo Dhamaystirka Goleeyaasha Deeganka lagu dhamaystiro 5ta bilood ee soo soosocota insha alah.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo soo saaray Amar ku socodka Wasaraddaha
To Top