WARARKA SOOMAALI

Maleeshiyaad hubeysan oo Dil ka geystay Degmo ka tirsan Galgaduud

Maleeshiyaad hubeysan ayaa duleedka deeganka kaxandhaale oo hoostaga degmada Balanballe ee Gobolka galgaduud waxaa ay kudileen Nin la sheegay in uu Shacab ahaa.

Ninka oo aan weli Magaciisa la sheegin balse Xoolaleey ahaa ayaa goobjoogayaal sheegeen in xilliga la dilayay uu Geel la jiray, isla markaana maleeshiyaadka dilay ay wadada u galeen.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dilka Ninka Xoolo dhaqatada ah uu salka ku haayo dilal aanooyin qabiil ah oo horay uga dhacay degaanka Kaxandhaale iyo degaano kale oo hoostaga degmada Balanballe.

Maamulka degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud iyo laamaha Amniga Galmudug ayaan weli ka hadlin dilkaas, waxaana jirtay in dhowr jeer siyaabo kale duwan dad Xoolo dhaqato ahaa loogu dilay degaano katirsan Gobolka Galgaduud.

Maleeshiyaad hubeysan oo Dil ka geystay Degmo ka tirsan Galgaduud
To Top