WARARKA SOOMAALI

MW Xasan Sheekh iyo RW Xamse oo kulan ka yeeshay dhacdadii Boosaaso

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre iyo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Samatar ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in kulanka Madaxda looga hadlay dhacdadii Isniintii lasoo dhaafay is hor istaaga loogu sameeyay Guddoomiye Sacdiya Yaasiim Xaaji, xilli ay dooneysay inay ka degto Garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Barre ay qadka telefoonka kula xiriireen Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ay kala hadleen wixii dhacay iyo xalinta  xiisada ka dhalatay iska horimaadkii sababay is hor istaagii lagu sameeyay Sacdiya Samatar.

Dhinaca kale Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku guuleystay baajinta shir Jaraa’id oo qaban laheyd Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiim Samatar, isla markaana ay dooneysay inay uga hadasho dhacdadii dhacday.

In ka badan 10 ruux ayaa ku dhimatay iska hor imaad ka dhacay Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kaas oo u dhexeeyey Ciidamo ka wada tirsan Maamulka Puntland, kuwaasi qaarkood doonayey inay Garoonka kasoo galbiyaan Guddoomiye Sacdiya.

MW Xasan Sheekh iyo RW Xamse oo kulan ka yeeshay dhacdadii Boosaaso
To Top