WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Puntland oo War kasoo saartay shaqaaqadii Maanta ka dhacday Boosaaso

Wasiirada Amniga iyo Arimaha Gudaha Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay shaqaadaqii maanta ka dhacday afaafka Garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhacancad ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka gacan-dhaaf, kaddib markii mas’uuliyiin ka tirsan ay qorsheeyeen iyadoo ogayn maamulka ka dagaan magaalada Boosaaso.

Wasiir Dhacancad ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in ay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada kala shaqayso sidii wax looga qaban lahaa arrimaha abaaraha iyo amniga.

Dhanka kale Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamed Gallan ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay afaafka hore garoonka Boosaado ka bilowday is fahanwaa dhexmaray ciidamada amniga garoonka iyo ciidamada PSF oo doonayay in ay gudaha u galaan garoonka.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAAALKA WASIIRADA

DAAWO: Puntland oo War kasoo saartay shaqaaqadii Maanta ka dhacday Boosaaso
To Top