WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Booqday Ciidanka loo qaaday Eritrea

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyay Madaxweynaha Eritrea ayaa maanta kormeeray xerada ay ku jiraan ciidamado Soomaaliyeed oo dalkaas lagu tababarayay.

Ciidamadan oo sanadkii hore uu u dhamaaday tababarka ayaa halkaas ugu xayiran illaa hadda sababo aan la ogeyn.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Madaxda Eritrea sidii ciidankaas loogu soo celin lahaa dalkooda iyo hadii ay jiraan caqabado hortaagan.

Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii xukunka wareejinayey sheegay in ciidamo shan kun gaaraya DF loogu tababaray dalka Eritreya.

SAWIRRO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Booqday Ciidanka loo qaaday Eritrea
To Top