WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Japan oo la toogtay, xilli uu Khudbad jeedinayey

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe ayaa la toogtay xilli uu khudbad u jeedinaayay dad isugu soo baxay magaalada Nara  ee ay ka socdaan ololaha doorashada, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi.

Xaaladda caafimaad ee Shinzo Ape,ayaa la sheegay in ay tahay mid ay aad u liidato ,waxaana falkaasi lagu dhaawacay 67-sano jirkaasi uu dhacay saaka abbaaraha 11:30am (02:30 GMT).

R/wasaarihii hore ayaa lagu weeraray waddo u dhow saldhigga Yamatosaidaiji ee Nara, Xilli uu  ku sugnaa halkaasi oo uu ka waday ololihiisa doorashada ee xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka.

Nin 41 jir ah oo looga shakisan yahay toogashadaasi ayaa xabsiga la dhigay,waxaana eedeysanahaasi oo magaciisa lagu sheegay Yamagami Tetsuya, uu heystay qori.

Dowladda dalka Jabaan, waxay si adag u cambaareysay falkaasi toogashada ah ee lagu weeraray Ra’iisul Wasaarihii hore.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Japan oo la toogtay, xilli uu Khudbad jeedinayey
To Top