WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Maanta kulan la qaatay Safiirka Sacuudiga ee Somalia

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Maxamed Bin Axmed Almuwallad.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee labada dal ee walalaalaha ah sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Danjire Muwallad ayaa Ra’iisul Wasaaraha ugu hambalyeeyay xilkiisa, isagoo u rajeeyay in uu ku guuleysto howlaha hor yaalla, isagoo muujiyay sida dowladda Sacuudigu u garab taagan tahay Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay Dowladda Sacuudiga taageeradeeda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

 

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Maanta kulan la qaatay Safiirka Sacuudiga ee Somalia
To Top