WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Taliska Booliska oo howlgalo cusub uga dhawaaqay Magaalada Muqdisho

Booliska Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay howgallo ka dhan ah kooxaha Ciyaal weerada ah ee dhibaatootinka ka gaysta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, kuwaasi oo dhawaanaahan kusoo badanayay magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya  Cabdifitaax  Aadan Xasan oo warbaaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in Booliska Soomaaliya ay diyaariyeen, howlgallo culus oo ka dhan ah Ciyaal Weerada iyo kooxaha Burcadda a

Waxaa intaas uu ku daray in si toos ah ay Boolisku u beegsan doonaan Ciyaalka weerada, ee dhibaataynta ku haya shacabka.

Sidoo kale digniino Culus ayuu u diray Milkiilayaasha Mooto Bajaajta leh, ee dhalinyarada ka kireeya, kuwaasi oo uu sheegay in mararka qaar lagu fuliyo falal amni-darro, oo lagu dhibaateeyo dad shacab ah, waxaana intaas uu ku daray in qof waliba uu hubiyo sdhaqsiga ay wax u dhiibanayaan.

Kiisas badan ayuu sheegay in ay hayaan Boolisku oo la xariira,kooxaha ka ganacsada Maandooriyaha iyo Ciyaal Weerada.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Taliska Booliska oo howlgalo cusub uga dhawaaqay Magaalada Muqdisho
To Top