WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Rag dhac baahsan ka geysanayey Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Ciidanka gaarka ah ee NISA ayaa howlgalo ka sameeyay degmooyinka Howlwadaag, Wartanabadda, Yaaqshiid, Kaaraan iyo qaybo kale oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Howlgaladaan ayaa ka danbeeyay cabasho ka timid qaar ka mid ah shacabka kunool degmooyinka Gobolka Banaadir ee howlgalkaas oo saacado qaatay laga fuliyay, iyaga oo ka cabanayay Tuugo xiliyadda habeenkii ah dhac u gaysta.

Taliyaha Hay’adda NISA ee Gobalka Banaadir Muxudiin Warbac Shadoor ayaa la kulmay qaar ka mid ah dadkii ka cabanayay Tuugada dhaca u gaystay, ayaa u sheegay in ciidamadu howlgalo ay wadaan sidoo kalana gacanta lagu soo dhigi doono qof kasta oo qal-qal galisa amniga magaalada.

Intii lagu jiray Howlgalka, ayaa sidoo kale waxaa lagu soo qabtay kooxo watay mindiyo, waxaana ciidamadu ay u gudbiyeen Booliska si baari taano loogu sameeyo.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA HOWLGALKA

DAAWO: Rag dhac baahsan ka geysanayey Muqdisho oo gacanta lagu dhigay
To Top