WARARKA SOOMAALI

Meydka Wiil dhallinyaro ah oo la la’aa oo laga helay xeebta Magaalada Muqdisho

Waxaa saaka xeebta kawaan Bari ee degmada Kaaraan ee Gobolkaan Banaadir laga helay meydka Wiil dhalinyara ah, kaasoo bada ay soo tuftay,

Wiilkan dhalinyarada ah oo lagu magacaabi jiray C/risaaq Cali ayaa la waayay talaadadii oo markii cid ugu wardanbeysay ku dabaalanayay xeebta Liido, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay ehelkiisa baadi goob ugu jireen, walow meydkiisa saaka la helay

Ehelada Marxuumka oo goobta yimid ayaa kala wareegay ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in maalmihii lasoo dhaafay raadinaayeen.

Waxaa bilihii lasoo dhaafay kordhay dhalinyarada ku dhimanaysa xeebaha, maadaama inta badan aysan aqoon dabaasha.

Meydka Wiil dhallinyaro ah oo la la’aa oo laga helay xeebta Magaalada Muqdisho
To Top