WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Deni oo amar dul-dhigay Taliska Booliska Maamulka Puntland

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna Caasimadda Maamulka kulan kula qaatay Taliska Ciidanka Booliska Maamulka Puntland .

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga Cabdisamad Gallan, Taliyaha Ciidanka Booliska Mudane Gen. Maxamed Cali Xaashi, Taliye-xigeennada iyo qeybaha kala duwan ee Saraakiisha Ciidanka Booliska.

Madaxweynaha ayaa warbixin Amni iyo shaqada Booliska ee socota ka dhegaystay Taliska Ciidanka Booliska, wuxuu Madaxweynuhu boggaadiyay sida Ciidankeenna geesiyaasha ah ay har iyo habeenba ugu heelan yihiin sugida Amniga, isagoo faray in ay sii dardar geliyaan gudashada waajibaadkooda.

Kulankan ayaa ku soo aadayo iyadoo dhawaan kooxo Cabtooy ahaa ay dileen taliyihii saldhigga booliska Magaalada Qardho, sidoo kale faraha uu ka baxay amniga magaalada Gaalkacyo oo kooxaha bistooladaha wata ay dilal ka geystaan.

Madaxweyne Deni oo amar dul-dhigay Taliska Booliska Maamulka Puntland
To Top