WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Howlgal lagu soo qabtay Rasaas iyo Dad oo laga fuliyay Magaalada Muqdisho

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ayaa xalay howlgalo qorsheysan oo lagu soo qab-qabtay Maandooriye, rasaas farabadan iyo dadkii ka Ganacsanayey ka sameeyay degmooyin kala ah Yaaqshiid, Hiliwaa iyo Kaaraan ee Gobolkaan Banaadir.

Howlgalka oo ahaa mid saacado dhowr ah qaatay ayey Ciidamada kusoo qabteen maandooriyaha, rasaasta iyo dadkii ka Ganacsanayey oo loogu tagay goobo ay ku sugnaayeen, sidoo kalena Ciidamada ayaa guri guri baaritaano ugu sameeynayey.

Ciidamada ayaa howlgalka ku burburiyay Sandaqado lagu iibinayay waxyaabaha maanka dooriya, sidoo kale laga helay rasaas farabadan iyo Agab kale oo looga qeyb qaadan karo falalka Amni darro oo uu dhaca qeyb ka yahay.

Taliyaha qeybta Bari ee Booliska Gobolka Banaadir Cali Calasow Xasan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalkaan uu yahay mid si joogto ah loo sameyn doono, isaga oo digniin u diray dadka ka Ganacsada waxyaabaha Maanka dooriya.

 

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA HOWLGALKA

DAAWO:-Howlgal lagu soo qabtay Rasaas iyo Dad oo laga fuliyay Magaalada Muqdisho
To Top