WARARKA SOOMAALI

Xildhibaanada labada Aqal oo Maanta kulan leh & Ajendihiisa oo la ogaaday

Waxaa Maanta oo talaado ah lagu wadaa in Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ay kulan xasaasi ah ku yeeshaan Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka  Soomaaliya ee Golaha Shacabka iyo Senatorada Aqalka Sare.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada labada Aqal ayaa waxaa uu yahay Akhrinta labaad ee Miisaaniyadda dowlada Soomaaliya ee sanadkaan 2022, taasi oo ay Xildhibaanada Akhrinta koowaad maalmo kahor u marsiiyeen.

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa waxaa loo diray xalay farriimo wargelin ah oo loogu sheeganayo inuu Maanta oo talaado ah uu jiro kulanka XIldhibaanada Golaha, isla markaana laga doonayo inay kasoo qeyb galaan.

Miisaaniyadda sanadkan ee dowladda Federaalka oo ah tii ugu badneyd ayaa gaareysa ku dhowaad hal Bilyan oo Dollar, waxaana horey u soo ansixiyey golihii wasiirada ee xukuumadd Soomaaliya ee uu xiligeeda dhamaaday.

Xildhibaanada labada Aqal oo Maanta kulan leh & Ajendihiisa oo la ogaaday
To Top