WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Xamse oo khadka Telefoonka wadahadal kula yeeshay dhiggiisa Yemen

Ra’iisul Wasaaraha Yaman Dr Muciin Cabdi Almalik ayaa qadka taleefanka kula soo xariiray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamse Barre si uu ugu hambalyeeyo Magacaabistiisa iyo Kalsoonida gollaha Shacabka ee shalay uu helay.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Yaman ayaa ugu hambalyeeyay Ra’iisul wasaaraha dalka Munsaabadda Maalmaha xuriyadda ee dalka ee 26ka June iyo 1da Luulyo.

Labada masuul ayaa ka sheekeystay xiriirka labada dal ee dheer, sidoo kalena waxa ay dhiirigaliyeen in horay loo sii wada jaan-qaafo.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo khadka Telefoonka wadahadal kula yeeshay dhiggiisa Yemen
To Top