WARARKA SOOMAALI

DAAWO:- Madxweyne Qoorqoor oo shaaciyay in Dagaalkii Baxdo lagu dilay Ajaanib

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ka hadlay dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud, kaasi oo dhexmaray maleeshiyaad  deegaanka ah oo is abaabulay iyo Al-shabaab.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa bogaadiyay maamulka, shacabka iyo culimada degmada Baxdo, ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa qalabka sida, sida geesinimada leh oo ay iskaga difaaceen weerarkii ay Al-shabaab ku qaaday degmada Baxdo.

War-saxaafadeed uu soo saaray Madaxweyne Qoorqoor ayuu ku sheegay in dagaalkii shalay lagu dilay 70 dagaalame oo kamid ahaa Al-shabaab, ayna saddex kamid ah yihiin Ajaanib, laguna qabsaday hub iyo saanad fara badan iyo gaari ay ku diyaariyeen walxaha qarxa oo lala damacsanaa in lagu wax yeeleeyo shacabka Baxdo.

HALKAAN KA DAAWO WARBIXINTA 

DAAWO:- Madxweyne Qoorqoor oo shaaciyay in Dagaalkii Baxdo lagu dilay Ajaanib
To Top