WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaaraha cusub oo hal arrin ka Codsaday Guddoonka Golaha Shacabka

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa booqasho iyo salaan ugu tagay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Ra’iisul Wasaaraha shalay la magacaagay ugu hambalyeeyay xilka loo dhiibay, isagoona Alle uga baryay inuu u fududeeyo mas’uuliyada xilka Ra’iisul Wasaarenimo ee Xukuumadda dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda ka codsaday in ay ku gacan siiyaan sidii uu heli lahaa kalsoonida Golaha, si uu usoo dhiso xukuumad cusub.

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha shacabka Cabdullaahi Cumar Abshiroow ayaa qayb ka ahaa kulanka, iyagoona dhankooda ugu hambalyeeyay xilka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Xamse Cabdi Barre .

Ra’iisul Wasaaraha cusub oo hal arrin ka Codsaday Guddoonka Golaha Shacabka
To Top