WARARKA SOOMAALI

Farmaajo oo War kasoo saaray Ra’iisul Wasaaraha cusub ee la magacaabay

Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Soomaaliya ee uu shalay magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Farmaajo oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ugu hambalyeeyay Xamse Cabdi Barre oo loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, kaasi oo bedelaya Ra’iisul Wasaarihii Xukuumadda xilgaarsiinta aheyd ee Maxamed Xuseen Rooble.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre inuu Eebbe u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda culus ee loo magacaabay, wuxuuna ka dalbaday Baarlamaanka inay codkooda kalsoonida siiyaan.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Mudane Xamse Cabdi Barre oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Ra’iisul Wasaraaha Cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu Qoraalkiisa kusoo gaba-gabeeyay Farmaajo “Aniga oo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka codsanaya in ay codkooda kalsoonida siiyaan, si uu u soo dhiso xukuumad sii ambaqaadda horumarka dalka ka socday.

Farmaajo oo War kasoo saaray Ra’iisul Wasaaraha cusub ee la magacaabay
To Top