WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Shil naxdin leh oo ka dhacay Magaalada Jowhar

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil khasaaro sababay oo barqanimadii Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle, kadib markii gaari nooca Booyada ah uu dul-maray Mooto Bajaaj wadada mareysay.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in gaariga weyn oo ku socday xawaare sare uu dul-maray Mooto Bajaajta oo saarnaayeen laba ruux oo dhallinyaro ah, waxaana la sheegay in darawalka uu gaariga xakameyn waayay, sidaasina uu shilka ku dhacay.

Laba ruux oo dhallinyaro ahaa oo mid lagu magacaabi jiray Macalin Xuseen Nuur Gandi  ayaa ku geeriyooday shilkaas ka dhacay Magaalada Jowhar, waxaana si gaar ah gaariga uu Mootada kula dul-maray kasoo horjeedka Dugsiga  Sheekh Xasan Barsane.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Magaalada iyo dadweyne farabadan ayaa tegay goobta uu shilku ka dhacay, isla markaana waxaa la sheegay in Ciidanka ay gacanta ku dhigeen darawalkii waday gaariga weyn oo noociisu ahaa Booyad.

Wararkii ugu dambeeyay Shil naxdin leh oo ka dhacay Magaalada Jowhar
To Top